Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Munaasabada 26 June oo Xalay Laga Xusay Magaalada Hargeysa
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:21
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 27 2008
Munaasabada 26 June oo Xalay Laga Xusay Magaalada Hargeysa
Written by Ali Moallim   
Friday, 27 June 2008

Hargeysa, (insidesomalia.org)-Manaasabada 27 June oo ah markii ay xornimada qaateen Gobolada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya ayaa xalay waxaa laga xusay Magaalada Hargeysa ee maamulka la magac baxay Somaliland.

Munaasabad balaaran oo ay ka soo qeyb galeen Madaxda Maamulka Magaalada Hargeysa,Axsaabta Mucaaradka iyo dad weyne aad u farabadan ayaa Xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Magaalada Hargeysa.

Munaasabdaan ayaa waxaa hadalo ka jeediyay xubno kala duwan oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyo Madaxda Axsaabta Mucaaradka.

Madaxweyne Daahir Riyaale ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyay waxa kaga hadlay qiimaha ay leedahay Munaasabada 26 June oo ku beegan Markii Gobolada Woqooyi ay Xuriyada ka qaateen gumeystihii English sanadka markii uu ahaa 1960 kii,waxaana sidoo kale halkaasi ka hadlay Gudoomiyaasha Axsaabta Mucaaradka ee Kulmiye iyo Ucid Ing.Feysal Cali Waraabe iyo Axmed Max'ed Max'ud Axmed siilaanyo,waxaana ay sheegeen in ay tahay 26 June maalin ku weyn Maamulka Somaliland iyagoo dhinaca kalena Sheegay in aysan ka Faa’iideysan Somaliland xoriyadii ay ka qaateen gumaysiga Sida ay Hadalka u dhigeen,waxaana ay halkaasi ugu hadleen arimo la xiriira tacdiyo ay sheegeen in ay ka soo gaareen Maamulkoodo midnimadii Soomaaliya islamarkaana ay ku wax yeeloobeen dadkooda sida ay sheegeen weeraro ay ku soo qaadeen Ciidamadii Xooga dalka sanadku markuu ahaa 1988-dii.

Xaflada ayaa in kastoo ay u muuqatay mid la Xusayay islamarkaana lagu faraxsanaa hadana waxa hoos socday guux halkaasi ka muuqday oo ay ku sheegeen Xubnihii ka soo qeyb galay in ay san ugu dhaqmin qaabkii loo baahnaa islamrkaana ay ku qasaareen in Soomaaliya ay la midoobaan sida ay hadalka ku sheegeen Wasiiro ka tirsan maamulka Somaliland oo halkaa ka hadlay aya waxa ay si weyn ugu cel celiyeen in Somaliland aysan Marnaba dib ula midoobi doonin Soomaaliya islamarkaana ay ku adkeysan doonan in ay sii wataan gooni u goosadkooda.

Mamulka Somaliland ee ka Arimiya Gobolada waqooyi ee Soomaaliya ayaa mudo Dhowr iyo toban sano ka hor waxa ay sheegeen in ay ka go'een gobolada kale ee dalka Soomaaliya islamarkaana ay xuriyadooda dib ula laabteen iyagoo ka gadoodsan dagaal ku dhaxmaray gobolada waqooyi ee dalka Soomaaliya Jabhadii SNM iyo ciidamada dowlada milatariga ahayd ee ka arimineysay Soomaaliya.

21ka Sanadood waxaana ilaa iyo waqtigaasi aysan helin Xuriyad dhab ah in kasta oo ay guuleysteen in amaan iyo kala danbeayn ay ku soo dabalaan gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya.

Marka la tago Magaalada Hargeysa ma jirto meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya oo laga Xusay Manaasabada 26 June oo ku began Xuriyadii Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya ay ka qaateen gumaystihii Engiriiska waxaana taasi ay muujinaysaa in meesha ay ka sii baxayaan wax yaabo badan oo ka mid ah Astaamihii qaranka Soomaaliyeed iyado Maalinta ay aheyd mid ka mid ah Maal maha ugu farxada badan shacabka Soomaaliyeed maadaama ay ahayd markii ugu horaysay ee Shacabka Soomaaliyeed ay Xuriyadoodi ka qaateen gumayste mudo dher maamulayay.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >